Friday, August 18th, 2017

War Deg Deg ah:- Al-shabaab oo soo Bandhigay inta Qof oo ay Muqdisho ku dileen Tan iyo Doorashadii Farmaajo

Published on March 11, 2017 by   ·   No Comments

Tan iyo markii 08-02-2017 xilka madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan labaatan weerar oo lagu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan DF.

February13, 2017  oo ku aadan afar maalmood uun kadib doorashadiisii ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed wax kasoo xulay xildhibaanada Baarlamaanka DF ee laga keenay magaalada Cadaado.

Oday dhaqameedkan oo lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley ayaa waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday xabadaha ka dhaca bastooladda.

February15, 2017  waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay oday wax kasoo xulay xildhibaanada DF oo lagu magacaabi jiray Muuse Ilka-weyne.

Dilka Muuse ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee degmada Wada-jir, sida ay xaqiijiyeen dad goob jog ahaa oo la hadlay war-baahinta maxalliga ah.

February18, 2017  waxaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu dilay Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey, kaasoo mudooyinkii dambe wada shaqeyn la lahaa DF.

Hagafey ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu saarnaa, waxaana dilkiisa sheegatay Xarakada  Al-Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada shisheeye iyo maamulada ku daaban.

February18, 2017  waxaa Isgoyska Ceel-gaabta lagu weeraray taliye ku xigeenkii Bs-ta ninka lagu magacaabo Xassan Dheere.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More