Monday, December 18th, 2017

War Deg Deg Ah:XOG: Labo Shaqsi oo si lama filaan ah midkood uu ku noqon kara Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya..

Published on February 28, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa latashiyo ku jira si uu usoo magacaabo ra’isul wasaraha dowladiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu madaxweyne Farmaajo la kulmay siyaasiyiin badan oo doonaya xilka ra’isul wasaaraha.

Shabakada Wararka ee Warqaad.com ayaase ogaaneysa labo shaqsi oo si lama filaan ah uu midkood unoqon karo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Shaqsiga koobaad ayaa ah Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Waa musharax utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu kasoo jeedaa beesha Habar-gidir/Ceyr.

Aqoonyahankan ayaa si lama filaan ah xilkaas loogu magacaabi karaa, inkastoo ay weli socdaan latashiyadii lagu soo magacaabi lahaa ra’isul wasaaraha dalka.

Jibriil Cabdulle, Waxaa uu ahaa musharax kale oo haatana katirsan siyaasiyiinta aqoonyahanada ah ee loo maleynayo in xilkaas loo magacaabi karo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada, shaqada ugu horeysa ee laga doonayo ay tahay inuu magacaabo ra’isul wasaare cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.Accept Read More